Warbaahinta Suuriya oo Baahisay In Safaaradda Ruushku Ku Leeyahay Magaalada Dimishiq Lagu Weeraray Laba Hoobiye
Dimishiq 18. July 2017 (SDN/QJ):- Wakaalada wararka ee Suuriya ee SANA ayaa sheegay in labada hoobiye ay ku dheceen gudaha dhismaha safaarada, balse aanay waxa dhaawac ah geysan marka laga reebo qalab ay burburiyeen.
Jabhadaha ka soo horjeeda dawlada Suuriya ee ku sugan duleedka caasimada ayaa dhawr jeer oo hore weerar noocan oo kale ah u geysan jiray caasimada Suuriye ee Dimishiq.
Xukuumada Moscow waa taageeraha koowaad ee madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Assad, waxaanay ku lug lahayd dagaalka ka socda Suuriya mudada lixda sannadood ah. Weerarka safaarada Ruushka ayaa imanaya ka dib markii Bambo ay ku qaraxday meel u dhaw cisbitaal deegaanka Idlib ee ay gacanta ku hayaan jabhadaha mucaaradku, taasi oo dhaawacday shan qof.
Koormeerayaasha xuquuqul insaanka ee fadhigoodu yahay Ingiriiska ayaa sheegay in shanta qof ay ku jireen carruuri.