|

Sadex Wasiir Arrimo Gudeed iyo Siyaasiyiin Kale oo Ka Soo wada Jeeda Beesha Gudoomiye Muuse Biixi oo Khamiista Ku Biiraya Xisbiga Waddani & Magacyadooda!!

Hargeysa 17. July 2017 (SDN/QJ):- Maalinta khamiista ayaa haddii eebe ina gaadhsiiyo waxaa la filayaa in xisbiga waddani ay ku biiraan siyaasiyiin tiro badan oo ka soo jeeda beesha Musharaxa xisbiga kulmiye kuwaas oo ay ka mid yihiin sidda warar la hubo ama badhkood aan ka xaqiijinay in ay ku soo biirayaan xisbiga waddani Siyaasiyiintani.

Xubnaha ku Biiraya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waxaa Ka Mid ah:

 

Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii Cigaal

Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii Daahir Riyaale

Siyaasi Cabdilaahi Ismaaciil Cali “Cirro” Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee dowladdii Daahir Riyaale

Siyaasi Abiib Diiriye Nuur wasiir kii hore ee Warfaafinta ee Siilaanyo.

Maareeyahii hore ee Wakaaladda biyaha Hargaysa Ibraahim Siyaad

Geesta kale waxaa wararka hor dhaca ah ee Warbaahintu helayso ee arrinkani ku saaban ay sheegaya in tiradda masuuliyiintu intaasi ka badan tahay waxaana munaasib balaadhan loo samayn doonaa maalinta khamiista,

 

Dhinaca kale xogo hoose oo Musharaxa waddani ku dhaw ayaa noo xaqiijiyay in uu xalayto ay is-arkeen qaar ka midda xubnahani oo ay wax isla meel dhigeen.

Comments are closed