|

Kulmiye Iyo Waddani (Olole Taageero Doon Mise Wacyigelinta Kaadh Qaadashadda Codbixiyaha)? DAAWO

Hargeysa 17. July 2017 (SDN/QJ):- Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ayaa Todobaadkii tegay iska Daba Maray Deegaano ka Tirsan Gobolka Togdheer oo ay ka socotay hawsha qaadashada Kaadhka Codbixiyaha Doorashooyinka Somaliland, Inkasta oo ay Mamnuuc tahay in Mudada uu Socdo Qaadh qaybintu aan la gelin wax Kaambayn ah hadana labada Xisbi waxay qaadeen dariiq ka duwan Heshiiskii ay Saxeexeen.

Sida uu farayo Xeerka anshaxa kaadh qaadashadu waxaa Hogaanka Sadexda Xisbi loo baneeyay oo qudha inay dadka ku wacyigeliyaan qaadashadda kaadhka Codbixiyaha waxaana ka reeban facaa’il kasta oo muujinaya Olole Taageero doon haday noqoto isticimaalka astaamaha xisbiyadda in dadweynaha laga dalbado inay Xisbi hebel u Codeeyaan iyo inay axsaabtu soo bandhigaan waxa ay bulshada u  qabanayaan hadii ay hogaaminta dalka ku guulaystaan.

Comments are closed