Sharciga Somaliland muxuu ka qabaa Shanta Websit ee ay Xukuumadu Hawada ka saartay iyadoo aanay Jirin Wax Dacwad ah oo Lagu soo Oogay oo ay Iska Difaaci waayeen? DAAWO
Hargeysa 17. July 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex ayaa dabayaaqadii Todobaadkii tegay waxay xayiraad ku soo rogtay shan ka mid ah Websityada Somaliland ka jira,Kadib markii ay Xeer ilaalinta oo dhanka Xukuumada ahi ay ku soo oogtay dacwad ku saabsan inay Faafiyeen arrimo wiiqi kara nabad-galyada.
Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Ayaan haba yaraatee dhagaysan Dhinaca laga Cabanayo oo Xaq u leh inay is difaacaan,iyadoo dadka aqoonta u leh Sharcigu ay sheegayaan in Go’aanka Maxkamadu aanu Sharci ahayn maadaama ay ku salaysay Waxaas ayaa dhici doona.