|

Macallimiinta Gobolka Sanaag oo Ka Cawday Qaabka ay ula dhaqmaan Xafiiska Imtixaanaadka & Wasaaradda Waxbarashada Somaliland DAAWO

Ceerigaabo 15. July 2017 (SDN/QJ):- Macallimiinta Dugsiyada dawladda ee gobolka Sanaag wax ka dhiga Xubno ka tirsan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaas, ayaa Shaaciyey inaanay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Xafiiska guud ee Imtixaanaadku waxba ka siinnin Macallimiinta Imtixaanka Shahaadiga ah saxda iyo Tabobbarrada Macallimiinta dalka la siiyo toona.

Waxay Macallimiintan oo Rag iyo Dumar-ba isugu jiray ugu baaqeen Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka inay doorkooda siiyaan Macallimiinta gobolka Sanaag, isla markaana tabobbarrada la bixiyo aanay ka qadin, sidoo kalena ay Xubno kaga daraan Macallimiinta Imtixaanaadka sannadkan saxa, maaddaama oo 26-ka sano ee Somaliland jirtay waxba laga siin, sida ay ku doodeen.

Xubnahaas Macallimiinta ah ee Cabashada iyo Codsiga isku ladhan Warbaahinta marayey ee Ceerigaabo ka hadlay, waxaannu hadalkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed