”Hadii Ereteriya Ay Soo Weerarto Anagaa U gurmana Misana Ina Cumar Geele Hargaysa Wuxuu Ka Jecel Yahay Muqdisho Mana Aha Mid aanu aqbalayno” Eng Faysal Cali Waraabe DAAWO
Hargeysa 16. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha dalka Jabuuti ugu baaqay in uu ka dhex noqdo masiirka siyaasadeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya, oo uu sheegay in uu dhinac la safan yahay.
Faysal Cali Waraabe waxa uu ku Eedeeyey Madaxweynaha Jabuuti in uu hiil iyo Hooba la garab taagan yahay Somaliya, balse Somaliland uu kala masuugay xataa in uu mar kaliya Booqdo, halka uu Somaliya ku tagay safari badan.
Faysal waxa uu sheegay Somaliland inay qayb weyn ka ahayd Xorriyadda Jabuuti haysato, xaaladda Colaadeed ee imika ka haysata Eratariyana cida ugu dhaw ee wax ka qaban kartaa ay tahay Somaliland, halka uu sheegay Somaliya inay jaar la tahay Kenya oo aanay soo gaadhayn Jabuuti mushkiladda haysata.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay Ismaaciil Cumar Geelle in uu yahay Madaxweyne Somaliyeed oo loo baahan yahay, isagoo iftiimiyey in uu kula taliyey mar afraad in uu isku sharax Madaxtinimadda maadaama uu door weyn ku qaadan karo kala furdaaminta Somaliya iyo Somaliland, waxaanu ugu baaqay in uu ka Odayeeyo sidii ay u kala bixi lahaayeen Somaliya iyo Somaliland.