|

Madaxweyne Erdogan oo cambaareeyay “munaafaqnimada” reer Galbeedka una Dabaal Degay Sannad Guuradii Inqilaabkii Dhicisoobay!!

Istanbul 16. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa ku eedeeyay waddamada Galbeedka munaafaqnimo, xilli shalay uu dalkiisa xusayo sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee dhicisoobay.

Madaxweyne Erdogan oo maqaal ku qoray wargeys ka soo baxa turkiga ayaa sheegay in aanay wax marmarsiyo ah haysan dalalka saaxiibka la ah Turkiga ee sugay inta ay ka kala caddaanayso xaaladda isku-daygii afgembi.

Waxa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay magangelyo siiyeen xulafada Fethullah Gulen, oo ah wadaad fadhigiisu yahay Maraykanka, Erdogan-na uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay falkaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku gacan-sayray eedeymaha ah in xukuumaddiisa ay gacan bir ah ku qabatay dadka lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku-daygaasi afgembi.

Dalka Turkiga waxaa maanta ka dhacaya munaasabado dhowr ah oo lagu xusayo sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Rajab Tayid Erdogan.

15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa shir gudoomiyey kulan gaar ah oo uu yeeshay, ka hor inta aanu magaalada Istanbul uga qeybgalin isu soo bax lagu taageerayo Xukuumadiisa lagagana soo hor jeedo afganbigii ay Fuliyeen qaybo ka mid ah Ciidamadda qalabka sida.

Xukuumadda Ankara ayaa soo saartay wareegto ay shaqada kaga ceyrisay in ka badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis ah, xubno dowladda ka tirsan iyo aqoonyahanno.

Ankara ayaa ka dooneysa Maraykanka inuu Turkiga ku wareejiyo wadaadka Fethullah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku-daygaasi afgembi.

Madaxweyne Erdogan ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin kuwa shaqada laga tiray.

Comments are closed