|

Turkiga Oo Shaqada Ka Eryay 7,000 Oo Qof Sanad Ka Dib Afgembigii Dhicisoobay

Ankara 16. July 2017 (SDN/QJ):- Turkiga ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga ceyriyay kumanaan Iyadoo ay Xalay ku beegnayd sanad guuradii koowaad ee iskudaygii afgembigii ee dhicisoobay.

In ka badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis, xubno dowladda ka tirsan iyo aqoonyahanno ayaa wareegtadasi shaqada looga eryay.

 

Turkiga ayaa hore shaqada uga eryay in ka badan boqol iyo konton kun oo saraakiil ah sanadkii hore, isla markaana xiray ilaa konton kun oo ka tirsan xoogagga milatariga iyo booliiska.

 

In ka badan labo boqol iyo kontan qof ayaa ku dhimatay magaalooyinka Ankara iyo Istanbul markii ciidammo mucaarad ah ay weerarro ku qaadeen iyagoo adeegsanaya taangiyo iyo helikobtarro sanad ka hor maanta oo kale.

 

Xukuumadda Ankara ayaa ka dooneysa Washington inay Turkiga ku wareejiso wadaadka, Fetxullaah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku daygaasi dhicisoobay.

Comments are closed