“Ganacsatada Cashuurta Diidaysa waxaan Ognahay in Qaarkood Lacag u diraan Al-Shabaab..” Madaxweyne Gaas
Garoowe 15. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa Sheegay inay jiraan Shirkado Ganacsi oo Ururka Al-Shabaab Lacago Maal-gelin ah u diraan, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid yihiin Ganacsatada Reer Puntland oo ay warkooda hayaan, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Gaas ka hadlay khilaafka dawladda iyo Ganacsatada magaalada Boosaaso u dhexeeya ee la xidhiidha Cashuurta Macaashul-macaashka ee ay Dawladdu ku soo rogtay Guryaha iyo Dhismayaasha inay bixiyaan Shirkadaha iyo Ganacsatada kale ee ku ganacsadaa, taas oo ay diideen inay bixiyaan Ganacsatada Boosaaso, isla markaana muddo toddobaad ka badan Shaqo-joojin ay sameeyeen oo ay ku muujinayeen diidmadooda cashuurtaas ka qabaan sameeyey oo weli sii wada
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo arrintaas ka hadlay isagoo ku sugan magaalada Garoowe, waxa uu sheegay inay wax lala yaabo tahay in Cashuurtaas oo Baarlamaanka Puntland ansixiyey Ganacsatada Boosaaso diidaan inay bixiyaan.
Madaxweyne Gaas, waxa uu sheegay inaanay Maamul ahaan garanaynin sababta ay Ganacsatadu u diidayaan Cashuurta ku waajibtay ee Baarlamaanku ansixiyey ee Sharciga ah inay dawladda siiyaan, iyaga oo Al-Shabaab-na baqdin darteed Lacagta u siiya, waxaanu yidhi; “Waxaan ognahay Ganacsato reer Puntland oo dhaqaale u dira Al-shabaab, iyaga oo waliba adeegsanaya Taleefannada gacanta, sababta ay sidaa u sameynayaanna waa baqdin ay ka qabaan Al-shabaab.”
Madaxweyne Gaas oo la sii hadlaya Ganacsatada Cashuurta diidday oo uu sheegay inay qaarkood Lacag u diraan Al-Shabaab, waxa uu yidhi; “Waxaan idiin sheegaya oo aan ognahay kuwa intaas diidan oo dawladd-nimada shidaynayaa inay qaar kood Al-shabaab siyaan cashuur, nin ka raba Al-shabaab inuu siiyo cashuur dawladdana u diido shacuurta micneheedu Maxay tahay? Micneheedu waxay tahay Al-Shabaab waa dili karaan.”
“Laakiin, dawladdu idinma dili karto, idinmana xidhi karto weeye, Qofka noocaas ah, Anbaga wuxuu noola mid yahay dabcan Al-Shabaab, saas ayaan u qaadanaynaa, waa Qof raba inuu dalkan dhaxal-wareejiyo, kuna wareejiyo Al-Shabaab, saas anoo u sheegay Dadka Shacabka ah ee reer Puntland Gaalkacayo ama Badhan hajoogaane waa dad aamminsan dawladd-nimada. Markaa, waxaan leeyahay Cashuurta halla bixiyo, haddaan cashuurta la bixin dawladnimo ma jirayso.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.
“Askariga bishii qaadanaya $ 70 dollar ayaa canshuurta laga jaraa, marka qof ganacsade ah ayaa diidaya in uu bixiyo, arintaa ma’aha wax dhici kara, amniga in la suggo waxaa ka horeeya in dadku ay bixiyaan canshuurta.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland, waxaanu Shacabka Puntland ugu baaqay inay dawladda la shaqeeyaan, Cashuuraha ku waajibayna bixiyaan, “Haddaan Cashuurta la bixin dawladnimo ma jirayso ee waa inaad taa ogaataan Reer Puntland-noow”. ayuu yidhi Gaas.
Waxa uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo Garoowe Saxaafadda kula hadlay intaas ku daray oo uu sheegay in Cashuurtu tahay waxa qudha ee ay dawladdu ku qaban karto adeegyada bulshada iyo horumarinta dalka iyo dadka Reer Puntland, waxaanu intaas ku daray inay wakhtigan dawladdu Mashaariic horumarineed oo Waddooyin ka mid yihiin ka waddo isla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Cashuurtan Ganacsatada Boosaaso diidday, ayaa ah Macaashal-macaashka ku waajibay dhismayaasha iyo Guryaha ay ku ganacsadaan, taas oo ay ku doodeen inaan hore Dadka Kirada ugu jira Guryaha iyo Dhismayaasha ay ku ganacsadaan laga qaadi jirin Cashuurtaas ee ay bixin jireen Dadka iyagu iska leh Guryahaas, sidaas awgeedna aanay bixinaynin, waxaanay taasi sababtay inay sameeyaan Shaqa-joojin oo ay xidhaan Meheradohooda Ganacsi ee Suuqyada Boosaaso oo muddo toddobaad ka badan xidhan.