|

‘’Buuhoodle Waxaa Dayacday Somaliland Ama Xukuumadda Joogta Ha Ahaato Ama Tii Ka Horeysay Ha Ahaato” Xildhibaan Dheeg DAAWO

Hargaysa 14. July 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin Dheeg kana mida xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay dayacday magaalada Buuhoodle.

Waxaanu xildhibaanku tilmaamay in meeshi la dayaco cid sheegata aan la waayeyn, kuwa leh Buuhoodle lama soo gali karana ay yihiin uun reer Khaatumo, kuwa Xamar joogaana ay yihiin uun reer Khaatumo markaa Khaatumo laf ahaanteeda aanay jirin meel loogu hagaagi kara

 

“Horta meel hadii la dayaco, oo umada lihi ay dayacdo iskagana tagto cid sheegata la waayi maayo, Buuhoodlena Somaliland ayaa dayacday, ama xukuumada joogta ha noqoto amase tii ka horeysay ha noqotee, xadka Somaliland oo la sugi karo, lana gaadhi karo, Somaliland-baa dayacday”

Comments are closed