|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Loogu Baaqey In Uu Is Casilo, Xili uu Xaalad Caafimaad Mudo Ku Joogay Dalka Isu taga Imaaraadka lana filayo inuu Maanta soo Gaadho Caasimada

Hargaysa 14. July 2017 (SDN/QJ):- Mohamed Xaashi Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland oo wareysi siiyey mid kamid ah TV-yadda Soomaalida ayaa ka Hadley sicir bararka xoogan ee ka jira guud aahaan Somaliland.

Mr Xaashi ayaa sheegey in xukuumadda Siilaanyo ay ku fashilantey xasilinta arimaha sicir bararka oo maalinba maalinta ka danbeysa sii kordheysa.

 

“ Run ahaantii dalka waxaa uu ku jiraa xaalad aad iyo aad u adag, oo sicir barar baahsan oo ay dadku u raacdey abaaro iyo ganacsigii xoolaha la dhoofin jirey oo la joojiyey,waxaana u wacan xukuumada oo ka gaabisey doorkeedii” ayuu yiri Mohamed Xaashi.

 

“ Waxaan doonayaa inaan halkan uga faa’ideysto fariin aan doonayo in aan Madaxweyne Siilaanyo u diro, anoo u sheegaya in uu ku fashilmey xasilinta sicir bararka, mar hadii uu wax ka qaban waayeyna uu xilka iska casilo” ayuu sii raacsadey Mudane Xaashi.

 

Dhowaanahanba guud ahaan Somaliland waxaa ka jirey sicir barar aad u xoogaan, kaa oo gaadhay halkii abid ugu sareysey, taas oo dhibaato aad u weyn ku noqotey dadkii dan yerta ahaa.

Comments are closed