Donald Trump Oo Socdaal ku Tegay Magaalo Ka Tirsan Yurub Oo Uu Hadda Ka Hor Sheegay Ineysan Amaan Aheyn & Ujeedada Safarkiisa
Paris 14. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaadhay magaalada Paris ee wadanka France halkaasoo uu ku joogayo booqasho dhowr maalmood qaadan doonta.
Trump oo ay safarkiisa ku wehliso marwada koowaad ayaa shalay gabal dhicii ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Joint Base Andrews ee duleedka Washington.
Wuxuu magaalada Paris uga qeybgali doonaa xuska maalinta qaranka France oo Jimcaha Maanta ku beegan .
Labada Madaxweyne ee Faransiiska iyo Maraykanka ayaa Kulan saxaafadeed wada jir u qabtay.
Madaxweynaha Faransiiska manual Macron ayaa dalkiisa ku soo dhoweeyey Madaxweyne Trump oo booqasho 36 saacadood ah ku joogaya Dalka faransiiska, iyadoo booqashadiisu u badan tahay xal u raadinta xiisada dabo dheeraatay ee dalka Suuriya, wax wada qabsiga labada dal iyo ka hortaga waxa ay reer galbeedku ugu yeedhaan argagixisada.
Booqashada Madaxweyne Trump ee dalka faransiisku waxay sidoo kale ku soo beegmaysaa 100 guuradii ka soo wareegtay markii ay Maraykanku ku biireen dagaalkii koowaad iyagoo u hiiliyey dawlada faransiiska.
Trump ayaa hadda ka hor magaalada Paris ee caasimada France ku tilmaamay meel aanan ammaan aheyn sababo la xiriira weeraradii argagixisoo magaaladaas ka dhacay oo dad badan lagu laayey.