Maxadweyne Trump Oo War Aad U Culus Ka Soo Saarey Xaaladda Aqalka Cad, & Doorkii Ruushka ee Doorashadiisa
Washington 14. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Trump-ka Mareykanka ayaa waxaa uu ka warbixiyey xaaladda Aqalka cad ee Mareykanka looga arimiyo, kadib warar dhawaanahan soo baxayey oo ku saabsan sida Ruushka uu uga qeyb ahaa doorashadi uu isagu ku soo baxay.
Isagoo la hadlayey Wakaalada wararka ee Reuters ayuu madaxweyne Trump sheegey in waajibaadkiisa qaran uu si wanaagsan u gudanayo, isagoo intaa ku daray in aqalka cad uu ku jiro mar xaladihiisi ugu wanaagsanaa.
“ waxaan wadnaa howlaheynii waajibka ahaa, Aqalka cad waxaa uu isaguna ku jiraa marxalad aad u wanaagsan” ayuu yiri Trump.
Dhanka kale Madaxweyne Trump ayaa aad u difaacey wiilkiisa oo dhawaanahan ay ku soo baxdey fadeexad ah in uu kulan la qaatey qareen Raashiyan ah oo uu kala Hadley garab siinta doorashadii uu Aabihii ku soo baxay.
Si uu uga helo macluumad dhibaateyn kara Hillary Clinton oo aabihii doorashadda madaxtinimada kula tartameysey ayuu Trump Jr la kulmey Qareen Natalia oo Raashiyan ah.
Arintaa daraadeed ayeey Warbaahinta Mareykanku ku tilmaantey in aqalka cad uu yahay goob uu ka jiro jahwareer badan iyo jawi qasan.
Laamaha muqaabaraadka Mareykanka ayaa iyagu dhinacooda aaminsan in xukuumada Putin ay isku dayeen in Trump uu ku guulaysto doorashadii Maraykanka ee 2016kii, waxaana socda baaritaan ku aadan in xiriir uu dhex maray kooxdii ol’olaha doorashada Trump iyo Ruushka.