|

Xiliga Uu Dib U Soo Laabanayo Internetkii Koonfurta Soomaaliya Oo La Shaaciyey

Muqdisho 14. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay xiliga uu dib u soo laabanayo internetkii Fiber Optic-ga ee Koonfurta Somali oo go’an muddo labo todobaad ka badan iyo khasaaraha dhaqaale ee dalka ka soo gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in intarnetka go’an maalin waliba ay ka soo gaarto dalka khasaaro lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar.

 

Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku tilmaamay dhacdadan Musiibo wayn oo Soomaaliya ka soo gaartay ilaa iyo hadda khasaaro dhan in ka badan 130 milyan oo doollar”.

 

“Nasiib wanaag Fiilooyiinka go’ay ee badda hoosteeda mara haatan waa la hagaajiyay adeega inernetkana wuxuu dib u soo laaban doonaa inta uusan dhamaan todobaadkan” ayuu yiri Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

 

Internetkan go’an oo saameeyay koonfurta Soomaaliya, ayaa ka dhashay markii uu go’ay xarrig internetka ee mara badda hoosteeda waxaana jira warar sheegaya in markab ganacsi uu jaray.

 

Hadalka wasiirka ayaa war wanaagsan u noqonaya kumanaan qof oo ku dhaqan koonfurta Soomaaliya kuwaasoo todobaadyadii ugu dambeeyey ay saameysay internet la’aan ba’an oo dhibaatooyin kala duwan sababtay.

Comments are closed