|

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnest International oo Dalbatay Baadhitaan lagu sameeyo Xadgudubyo ka dhacay Magaaladda Mousil ee Dalka Ciraaq

New York 14. July 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda Aadamaha ee Amnest International ayaa ka dalbatay goleha amaanka ee Qaramada midoobay in baadhitaan madax banaan lagu sameeyo dembiyada xadgudubka ah ee loo geystay dadka shicibka ah markii Mousil laga xoreynayey ciidamada Daacishka.

Amnesty International waxa ay ku eedaysay ciidamada xukuumada dalkaasi Ciraaq iyo isbahaysiga taageera in ay duqayn aan kalo sooc lahayn ku garaaceen magaalada Mousil, iyadoo halkaasi ku nafwaayeen dad shicib ah oo ay ku jiraan dumar iyo caruur, iyo in ciidamada xukuumadu ku sameeyeen dadka loo tirinaayo in ay suniyiin xaga qalbiga ka taageersan Daacish xadgudubyo iyo jidh dil ah u gaysteen.

Geesta kale, ciidamada Daacishka ayaa ay ku eedeysay Amnesty International in ay gabaad ka dhigteen dadka shicibka ah iyo in ay qasab ku ciidameeyeen qof kasta oo dhalinyaro ah kuna qasbi jiray in ay fuliyaan qaraxyo miidaamo ah.

Hase ahaatee, Ra’isal wasaaraha Ciraaq Mr: Xaydar Al-cabaadi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Mousil laga sifeeyey ciidamada khilaada Islaamiga ah ee Daacish, inkastoo uu xusay ay jirto in fikirkii Daacish aan wali laga guulaysan.

Comments are closed