“Wax allaale iyo waxii mashaariic ahaa ee la soo waday ama biyo ha ahaato ama caafimaad iyo waxbarasho iyo wadadii Baligubadleba waa la hagraday” Cabdi Haybe
Hargaysa 13. July 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa bulshada gobalka Hawd ugu baaqay inay gacantooda kaga aarsadaan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, marka la gaadho maalinta codaynta doorashada madaxtooyada.
Cabdi Haybe oo hadal ka jeediyay soo dhawayn ay bulshada Baligubadle u sameeyeen murashaxa xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu yidhi “Xisbiga Kulmiye la yidhaahdo sida gobalka Hawd looga soo dhisay, sidaan ugu soo halganay iyo sidaan ugu khasaarnay ayaan is lahayn maanta gacanteena ayaynu ku aarsanaynaa, gobalka Hawd waa la hagraday waa laga eexday.” ayuu yidhi Cabdi Haybe oo intaas raaciyay “Wax allaale iyo waxii mashaariic ahaa ee la soo waday ama biyo ha ahaato ama caafimaad iyo waxbarasho iyo wadadii Baligibadleba waa la hagraday, umad dhan oo Alle meel dhigay oo ceel biyo ah aan loo sii dayn, halka Arab dago ceel iyo caafimaadba waa loo diiday oo biyo iyo wado ayaa loo diiday, maanta gacanteena ayaynu ku ciil baxaynaa oo waxa aynu dooranaynaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, kaadhadhka qaata oo yaan laydinka iibsan.”
Cabdi Haybe, wuxuu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay xaaladda sicir barar ee dalka ka jirta iyo weliba dhaqaalaha hoos u dhacay oo uu sheegay inay tahay siyaasad xumo.