|

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kormeer la Xidhiidha Xog ogaal u Noqoshada Qaabka ay u Socota Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha Ku Tegay Maanta Sallaxley Iyo Balli Gubadle,Iyo Caqabadaha Jira SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 11. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Isla Markaana ah Ku Simaha Madaxweynaha Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici & Mas’uuliyiin Kale oo Wehelisa ayaa Maanta Kormeer ku saabsan u Kuurgelida Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha ku soo Maray Magaalooyinka Sallaxley Iyo Balligubadle iyo Jiido ku teedsan Xudduuda.

Ujeedada kormeerka Madaxwayne ku-xigeenka ayaa waxay daarnayd u kuurgal iyo xogogaal u noqoshada qaabka ay deegaanadaasi uga socdaan hawlaha qaybinta kaadhka doorashooyinka iyo arrimaha u  baahan wax ka qabasho. Deegaanada uu Madaxwayne ku-xigeenku kormeerka ku maray waxa ka mid ahaa Degmooyinka Salaxlay, Kaam Tuug,  Balligubadle, Gunburaha iyo deegaano kale oo hoos yimaada Demagaalooyinkaasi.

Waftiga uu hogaaminaayey Madaxwayne ku-xigeenka waxa ku wehelinayey Wasiiro, Afhayeenka Madaxtooyada JSL , Wasiir ku-xigeeno, Madaxda heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye, Badhasaabada Gobolka M/jeex iyo Hawd iyo Agaasimayaal  kuwaasoo dhamaantood shacab weynaha ku dhaqan deegaanadaasi si mug leh ugu wacyi geliyay sidii ay xil iskaga saari lahaayeen qaadashada kaadhka Codbixinta Doorashooyinka Madaxtooyada.

 

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulsho weynta ku dhaqan deegaanadaasi uga mahad celiyay soo dhawaynta qiimaha leh ee ay ku maamuuseen isagoo dhanka kalena si weyn ugu wacyi geliyay inay qaataan kaadhka codbixinta waxaanu yidhi madaxwayneku-xigeenku “Aad baan idiinkaga mahad celinaynaa sida qiimaha leh ee aad noosoo dhawayseen iyadoo ay wakhti danbe tahay, waxaan degaanadan aan u imi waa arrin kaliya oo ah sidii aad u qaadan lahaydeen kaadhka codbixinta doorashada oo xaq kuu siinaya inaad doorato qofka aad la jeceshahay inuu dalka hogaamiyo, olole umaanaan iman waxaan idinku boorinayaa inaad hogaaminta dalkiina wax ku lahaataan oo aad qaadataan kaadhka oo aydaan iska qoomamayn biri ka maalin”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

 

Sidoo kale Madaxwayne ku-xigeenka ayaa kulan balaadhan la qaatay waxgaradka iyo haldoorka reer Baligubadle kulankan oo ahaa mid ay labada dhinac kaga wada hsdlayeen horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Hawd. Madaxwayne ku-xigeenka ayaa balan qaaday in Xukuumad ahaan aanay waxba ka hagran doonin wax kasta oo ka qayb qaadanaya horumarka bulshada degaanadii uu booqashada ku tagay.

Xuseen Adan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Comments are closed