‘’Markii Horeba Kulmiye Labuu ahaa Kulmiye Lagaga Guuray Guri Caskii lagu Guulaystay ee Xaruntii Xisbiga,& Kulmiye Xukuumadii qabtay Iskumana San banana ilaa hada’’ Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Mr Duur DAAWO
Hargaysa 12. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur haatana ka mid ah Saraakiisha Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka Jawaabay Warar Sheegaya inuu dib ugu laabanayo Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ee uu hore uga tirsanaa Waxa uu Cadeeyay in Xisbiga Kulmiye uu ilaa hada kala qaybsan yahay,Waxaanu Hoosta ka Xariiqay in Hanbada ku hadhay Xisbiga Kulmiye aanay ku wada Joogin Kalgacayl iyo Isku Xidhnaan isagoo intaas ku ladhay inay u Muuqdaan Sac laf haysta iyo Mid eeganaya.
Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur waxaa kale oo uu Iftiimiyey inuu ka mid yahay Shakhsiyaadka gooya Siyaasada Xisbiga Waddani ee Loogu yeedho Musdanbeedka Kulmiye.
Xogwaran uu siiyay Barnaamijka Hal adayg ee Ka baxa Telefishanka HCTV ayuu ku faahfaahiyey Sida uu uga Falkiyo Siyaasada,Marxalada Maanta dalku marayo,Dhaliilaha u Muuqda,Sababta uu Gudoomiye Cirro u bannayn waayay Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda.