Iiibkii Hantida Qaranka oo Haatan Gaadhay Baayacaada Mid kamida Saldhigyada Milatary ee ugu Qaalisan Somaliland DAAWO
Hargaysa 12. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Somaliland ka socda Wakhti Xaadirkan oo Lagu Gudo jiro Marxalad kala Guur ah boob baahsan oo lagu hayo Dhulkii Danta Guud kaas oo Madaxdda Sare ee Dawlada & Mas’uuliyiinta golahayaasha deegaanada ee Magaalooyinka dalku uu mid kastaaba ku foogan yahay sidii uu u heli lahaa dhaqaale badan.
Dhul boobku halkii hore wuu ka soo Gudbay Waxaanu Gaadhay in la Iibiyo Xeryo Ciidan oo ahaa Goobaha qudha ee Ka Nabadgalay inay dadweynaha rayidka ah gacanta u galaan.
Waxaa soo baxaya Tibaaxo Tilmaamaya in laga iibiyey Mid ka mid ah Ganacsatada Somaliland Xerada Ciidanka Mileteriga ee Mayaag oo ah Xerada ugu qaalisan Somaliland Isla markaana leh Dhul hoose oo loogu talo galay in Ciidanku ku Kaydsado Wixii hub ah iyo Saanadaha Kale,Sidoo Kale Xerada Carbiska ee Ciidanka Mileteriga ee Berbera ayaa la hadal hayaa in la bixinayo.
Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Mustafe Maxamed Yoonis ‘’Mustafe Waxdad’’ ayaa Madaxweynaha ugu Baaqay inuu Wax ka qabto Boobka Xeryaha Ciidanka Mileteriga oo ay ku hawlan yihiin Xubno uu Sheegay inay Yihiin Ganacsato waxaanu sheegay inay fool xumo tahay in Madaxweynaha lagu qasbo inta salaadin la soo kaxaysto ay ka dalbadaan inuu u saxeexo Xero Mileteri.