|

Maraga Maanta Kulmiye oo Si Cad u Muujiyey inuu Ku Jiro Kaanbayn Siyaasadeed & Cawaaqibka ay ku Yeelanayso Doorashadda DAAWO

Oodweyne 12. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Kormeer Isugu Jira Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha Iyo Olole Taageero doon Waxa uu ku Maray Jiido ka Tirsan Gobolka Daad Madheedh oo ay ka socoto qaadashada Kaadhka Codbixiyuhu.

Inkasta oo Komiishanka Doorashooyinka qaranku ugu baaqay Xisbiyada qaranka in hawsha qaadashada Kaadhka Codbixiyaha aanay u bedelin Kaambayn Siyaasadeed hadana taasi Garawshiiyo kamay helin Xisbiga Kulmiye, Waxaanu Deegaanada uu Kormeerka ku Marayo ka Muuqday Abaabul Dadweyne oo wata Astaamihii Xisbiga Kulmiye Taas oo uu Xaaraan-tinimaynayo Xeerka Anshaxa Qaadashada Kaadhka Codbixiyeyaasha Somaliland.

Sidoo kale Maalintii Axadii ee Todobaadkan ayuu Xisbiga Ucid Cadeeyay in Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ay qaadashada Kaadhka u bedeleen olole Siyaasadeed isla markaana Komiishanka ka dalbaday inay Talaabo ka qaadaan hadii kale ay Xisbi ahaan kala bixi doonaan Mas’uuliyiinta uga Wakiilka ah Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha.

Sidoo Kale Wasiiradda Xukuumadda iyo Madaxda kale ee Dawlada ayaa hantida Qaranku leeyahay u adeegsaday sidii ay u Muujin lahaayeen Taageero raadinta Murashaxa Kulmiye,iyadoo Warbaahinta dawlada ee Telefishanka qaranka Iyo Idaacada Radio hargaysa laga baahinayo oo Keliya Ololaha Xisbiga Kulmiye.

Comments are closed