Fadeexad La Xidhiidhta Doorashadii Maraykanka Oo Ku Soo Baxday Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Trump DAAWO
Washington 12. July 2017 (SDN/QJ):- Wiil uu dhalay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sannadkii la kulmay qareen Ruush ah oo xiriir la leh Aqalka Kremlin-ka, ka dib markii loo balan qaaday in la siin doono xog dhaawac gaarsiinaysa Hillary Clinton.
Sida uu qoray Wargeyska New York Times Donald Trump Jr ayaa sheegay inuu la kulmay Natalia Veselnistskaya laakiin aanu xog macno leh” oo ku saabsan Clinton ka helin.
Kulankaa waxaa kale oo ka qayb galay wiilka madaxweynuhu soddoga u yahay ee Jared Kushner iyo madixii ololaha doorashada Trump ee xiligaa, Paul J Manafort.
Saraakiil Maraykan ah ayaa baaraya eedaymaha la sheegay ee ah in Ruushku farogeliyey doorashadii Maraykanka.
FBI-da iyo aqalka Congress-ka ayaa labaduba doonaya in ay ogaadaan bal in ay dhacday in madaxdii ololaha Trump ay si qarsoodi ah u fulinayeen shirqool la sheegay in laga soo maleegay Kremlin-ka.
Hase yeeshee baaritaannada socdaa weli may soo bandhigin caddaymo muujinaya inuu jiray gacan saarka noocaas ah.
Kulanka dhexmaray Vaselnitskaya iyo wiilka madaxweynuhu dhalay ayaa ka dhacay 9 Juun 2016 daarta Trump Tower ee ku taal magaalada New York, waxaanay ahayd laba todobaad uun ka dib markii Donald Trump ku guulaystay musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga.
Waxa la rumaysanyahay inuu ahaa kulankii ugu horeeyey ee la xaqiijin karo ee si gaara ay u yeeshaan muwaadin Ruush ah iyo xubno ka tirsan la taliyeyaasha ugu dhaw madaxweyne Trump.