Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo Yididiilo Fiican ka Muujiyey Xal Siyaasi ah oo Lagu Furdaamiyo Xiisada Khaliijka Kana Dhawaajiyey in Xogihii Sirdoon ee Saxaafada lagu Faafiyey ay Khatar Keeni karto!!
Doha 12. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arimaha dibada ee Dalka Maraykanka Rex Tellerson ayaa rajo ka muujiyey xal laga gaadho xiisada dalalka khaliijka ee isa soo taraysa, waxana uu hadalkaa ka sheegay booqashadiisa uu Shalay galab Ku Tegay Dalka Qatar.
Mr Tellerson waxa uu shegay inay weli furan tahay fursada lagu furi karo wadahadal inkastoo uu sheegay in kashifaada xogaha sirdoon ee dalalka khaliijku hore isaga hayeen oo xiligan saxaafada lagu soo bandhigayaa ay samada ku sii shareeri karto khilaafka haatan taagan.
Booqashada tellerson ee Dalka Qatar waxay qayb ka tahay socdaal uu ku marayo gobolkaasi oo uu waanwaan ugu raadinayo khilaafka culus ee soo kala dhexgalay Wadamadaasi, isagoo soo maray Dalka Kuweyt, Isla Markaana Arbacada Maanta la Filayo inuu Gaadho Boqortooyada Sucuudiga.