|

Waddamada Ingiriiska,Kuwait Iyo Maraykanka oo Cod dheer ugu Baaqay Dalalka Khaliijku inay Miiska Wada hadalka isugu Yimaadaan

London 12. July 2017 (SDN/QJ):- Dawladaha Ingiriiska, Kuweyt, iyo maraykanka ayaa soo saaray baaq wada jir ah oo ay kaga dalbanayaan dawladaha Sacuudigu hormuudka ka yahay iyo xukuumada Qatar in ay khilafaadka ka dhex aloosmay ku dhameeyaan wado hadal diblomaasiyadeed.

Baaqani waxa uu ka dambeeyey markii wasiirada arrimaha dibada ee maraykanka iyo Ingiriisku bilaabeen dhex dhexaadin ay ku doonayaan in miiska wada hadalada isugu yimaadaan xukuumada Qatar iyo afarta dawladood ee xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo ka ganacsi u jaray dawlada Qatar iyaga oo booqasho ku maraya dawladaha khaliijka.

 

Xukuumada Qatar ayaa ku dhawaaqaday in ay diyaar u tahay in ay la yeelato wada hadal dawladahaasi xidhiidhka u jaray, iyadoo wasiirka arrimaha dibada ee dalkeedu sheegay in ayna waligood siinin taageero maaliyadeed argagixisada caalamiga ah, isla markaana faragalin ku samaynin arrimaha gudaha ee dalalka khaliijka carabta.

Comments are closed