Xukuumadda Maraykanka oo Mugdi Gelisay Warar Sheegaya in la Dilay Hogaamiyihii Ururka Isis Al Baqdaadi
Washington 12. July 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Maraykanka ayaa shaki gelisay wararka ku saabsan in la dilay Hogaamiyahii Ururka Daacish Abubakar Al-Baqdaadi.
Wakaalada wararka Turkiga ee Anadol oo soo xiganaysay afhayeen u hadlay aqalka cad ee Dalka Maraykanka ayaa waxa ay baahisay in Maraykanku xaqiijin waayeen wararka sheegaya in la dilay Abubakar al-baqdaadi, waxana ay ka dambaysay markii hawlwadeeno dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ka shaqeeya Suuriya ay sheegeen inay hayaan warar xaqiijinaya in la dilay Hogaamiyahii Kooxda daacish Abubakar Albaqdaadi
Dhankiisana Mr Sabistian Gorga oo ah kaaliyaha arimaha siyaasada ee Madaxweynaha maraykanka oo u waramay telefishinka caalamiga ah ee FOX NEWS ayaa sheegay in Dalkiisu weli wadaan ururinta xogaha sirdoon ee ay helayaan, xiliga ku haboona ay ka hadli doonaan umuurta ku saabsan dilka abubakar albaqdaadi
Mas’uuliyiinta dawlada ciraaq iyo kuwa ismaamulka Kurdiyiinta ayaan iyagu haba yaraatee ka hadlin in la dilay Hogaamiyihii daacish.