|

Wasiir Ka Tirsan Dowlada Turkiga Oo Laga Hor Joogsaday Inuu Galo Dal Ka Tirsan Qaarada Yurub

Austria 12. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Austria ayaa wasiirka dhaqaalaha ee dalka Turkiga ka hor istaagtay in uu soo galo dalkeeda si uu uga qaybgalo xalfad lagu xusayey sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay isku daygii inqilaabkii dhicisoobay.

Booqashada Nihat Zeybekci ayaa halis u keeni karta kala dambaynta iyo ammaanka dadka ayuu yiri afhayeen u hadlay dawladda Australia.

 

Dawladda Turkigu durba kama aysan jawaabin go’aankaas balse Xiriirka labada dal u dhexeeya ayaa horayba u xumaa ka dib markii dawladda Austria ay dhaliishay sida inqilaabkii dhicisoobay looga jawaabay.

 

Dad ka badan 50,000 oo ruux ayaa la xiray 140,000 ruux oo kalana shaqada ayaa laga cayriyay ama laga fariisiyay intii lagu guda jiray xaaladda degdegga ah ee Turkiga ka jirta tan iyo markii uu milatarigu isku dayay in uu xilka la wareego 15 Luulyo.

 

Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo reer galbeedka ayaa sii xumaanayey tan iyo markii u dhicisoobay inqilaabkii la isku dayey ee ka dhacay dalkaas, iyadoo labada dhinac hadalo kulul isweydaarsanayeen.

Comments are closed