|

Xukuumadda Ciraaq oo Daboolka ka Qaaday in Guud ahaan Magaaladda Mosul ay ka Sifaysay Ururka Daacish Sagaal Bilood oo Dagaal Qadhaadhi ka socday

Mosul 12. July 2017 (SDN/QJ):- Raysal wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay magaalada Mosul ka xoreeyeen ururka ISIS.

Xaydar ayaa la damaashadayey saraakiisha ciidanka qaranka Ciraaq oo calanka dalkaasi ka taagay badhtamaha magaalada Mosul ee mudada sagaalka bilood ah uu dagaalku ka socday.

Wuxuu sheegay inay ka adkaadeen ururkii aragagixisada ahaa ee isku magacaabi jiray dawlada islaamka. Waxa maalintii shalay iska horimaad koobani ka socday qaybo ka mid ah qaybta qadiimiga ah ee Mosul, balse way soo afjarantay.

Ciidanka Qaranka ciraaq ayey ku qaadatay inay qabsadaan magaalad muddo sagaal bilood ah, waxaan dagaalkan ku burburay dhimayaal badan waxaana lagu dilay kumanaan shacab ah sidoo kale waxa ku barakacay in ka badan sagaal iyo labaatan kun oo qof.

Abaanduulayaasha ka socday isbahaysiga uu Maraykanku hogaaminayaa oo dagaalkan ka taageerayey ciidanka ciraaq dhinaca cirka iyo dhulkaba ayaa sheegay inay la kulmeen dagaalkii ugu adkaa tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Raysal wasaare Xaydar Al-Cabaadi ayaa guusha xoreynta magaalada Mosul kaga dhawaaqay xarunta la dagaalka argagixsada ee magaalada Mosul oo ay ciidanka ciraaq gacanta ku dhigeen bishii Noofamber ee sannadkii hore.

Sawiro ay baahiyeen xafiiska Raysal wasaaraha Ciraaq ayaa lagu arkayey isaga oo lulaya calanka ciraaq oo ay hareera joogaan qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka ciraaq oo damaashaadaya.

Xaydar Al-Cabaadi ayaa booqashdiisii ugu horraysay ku tegay magaalada Mosul axadii la soo dhaatay, taasi oo muujinaysa inuu dhiirageliyo guusha ay ciidanka Ciraaq ka gaadheen dagaalkii lagu xoreynayey magaalada Mosul. Saraakiisha ciidanka ciraaq ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in qaar ka tirsan kooxda ISIS ay xaasaskoodkii iyo carruurtoodii ay kaga tageen magaalada dhexdeeda, kuwaasi oo ay u adeegsanayey gaashaan ahaan. Sida ay sheegeen Qaramada Midoobay waxa dagaalka magaalada Mosul lagu waxyeeleeyey guryo gaadhaya shan kun oo guri, waxaana lagu burburiyey afar boqol iyo sagaashan guri, gaar ahaan magaalada qaybteeda qadiimka ah.

Comments are closed