|

Koonfurta Galbeed ee Dalka Suuriya oo Xabad Joojin aan Cago adag ku taagnayni ka Hirgashay & Talaabada Xigta

Dimishiq 12. July 2017 (SDN/QJ):- Xabad joojintii ka hirgashay koonfur galbeed Suuriya ayaa socota, iyada oo la isu diyaarinaayo wadahadalladii u dhexeeyey dawlada Suuriya iyo kooxaha Mucaaradka.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Suuriya Istiifan Di Mastuura  oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Janeefa ayaa sheegay inuu rajeynayo inay xabbad joojintu si fiican u sii socota, oo wadahadallada lagu gaadhay waxoogaa horumar ah.

 

Wadahadallo cusub oo aan toos ahayn ayaa bilaabmay isniintii, waana kulankii lixaad ee ay ilaa hadda dhexmara wakiilo ka socda dawlada Suuriya iyo kooxaha mucaaradka, kaasi lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada lix sanno jirsatay ee ka socota dalka Suuriya.

Bilowgan wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xabbad joojin ka hirgashay koonfur galbeed ee dalka Suuriy oo ay dhawaan isku raaceen dalka Maraykanka, Ruushka iyo Jooran.

Xabbad joojinta ayaa ka dhaqangashay saddex gobol oo ku yaalla koongur galbeed ee dalka Suuriy.

Wadahadalladan u dhexeeya dawlada Suuriya iyo kooxaha mucaaradka ayaa Janeefa ka bilaabmay sannadkii 2014, kuwaasi oo weli socda ilaa haddana wax natiijo ah oo wax-ku-ool ahi kamay soo bixin.

Dhinaca kale Ergayga u qaabilsan Qaramada midoobay nabadaynta dalka Suuriya Mr: Istiifan Dimastuura oo ku sugan magaalada Janiifa ee dalka Suwiisarland ayaa si mug leh u soo dhaweeyey xabad joojinta laga hirgaliyey koonfurta galbeed ee dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay guul hor leh oo u soo hoyatay Suuriya.

 

Mr: Dimastuura waxa uu intaasi ku daray in ay tahay fursad fiican in xabad joojin ka hirgasho koonfurta galbeed ee Suuriya, taas oo dhiiri galin u noqonaysa dhinacyada dalkaasi ku dagaalamaya in ay yeeshaan wado hadal siyaasadeed oo soo afjari kara dagaalada dabo dheeraaday ee dalkaasi ka socda.

 

Geesta kale, Mr: Dimastuura waxa uu gudoominayaa kulankii todobaad ee ay ku leeyihiin labada wafti ee ka socda xukuumada Suuriya iyo mucaaridka ka soo horjeeda magaalada Janiifa, kaas oo lagu lafagurayo sidii dalkaasi u yeelan lahaa Distuur lagu wada kalsoon yahay.

Comments are closed