Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Digniin U Dirtay Xisbiyadda in aanay Olole u Bedelin Qaadh Qaybinta & Sawirka Dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye Ku Balaysimay Kaadh Qaybinta Togdheer ( Saw Muuse Uma Codayno) DAAWO
Hargaysa 11. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiir Ku Xigeenka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Jaamac C.laahi Biin oo Kulan saxaafadeed ku qabtay Magaaladda Burco ayaa ugu digay Xisbiyada qaranka inay Olole Siyaasadeed ka dhex sameeyaan Hawlgalka Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha Doorashooyinka Somaliland.
Geesta Kale Xisbiga Kulmiye ee Talada dalka haya ayaa Maalmihii u danbeeyay ku Sugnaa Gobolka Togdheer iyo Jiidaha ku xeeran ee ay Hawsha Qaadashada Kaadhadhka Codbixiyeyaashu ka socoto waxaana taas laga arki karaa in Qaab olole oo taageero doon ay u badaleen Wacyigelintii.