|

Dadweynaha Masar Oo Cabasho Ka Muujiyey Kadib Markii Xukuumadoodu Ku Kordhisay Qiimaha Lagu Raaco Tareenka !

Qaahira 11. July 2017 (SDN/QJ):- Cabashooyinka dhinaca nolosha ee ka soo yeedhaysa Dadka Muwaadiniinta ah ee u dhashay Dalka Masar ayaa kor usii kacaysa, waxaanay haatan cabasho hor leh ka muujiyeen go’aan ka soo baxay Wasiirka Gaadiidka ee Dalkaasi Hishaam Carafaat oo shaaciyay in qiimaha lagu raaco Tareenka loo yaqaan Metro-ga la kordhin doono 100%.

Hishaam, waxa uu sheegay in go’aankaasi la hirgalin doono isla markaasina lagu dhaqmi doono bilawga sanadka soo socda ee 2018 ka, waxaanu wareysi uu siiyay Jarriidada Al-masri Al-youm oo Wargeyska Himilo tarjumay ku sheegay in qiimaha cusub ee lagu raacayo Tareenku uu kala noqon doono 2.3.4 ginni oo lacagta Dalkaasi ah, qiimahaasi ayaa noqday mid ay cabasho ba’an ka muujiyeen dadka reer Masar.

kordhinta qiimaha tareenka ayaa ah markii labaad ee Xukuumada Masar samayso isla sanadkan gudihiisa, shacabka Masar ayaan ilaa iyo haatan jawaab diidmo ah ka muujin go’aankani cusub, laakiin waxa la filayaa in aanay aqbali doonin xilli nolosha oo dhammi kor u kacday.

Comments are closed