|

Tobanaan Kun oo Ka Mid ah Shacabka Turkiga oo Istanbul ka Dhigay Dibad Bax ka Dhan ah Madaxweyne Rajab Urdugan & Ereyada ay Ku Dhawaaqayeen

Istanbul 11. July 2017 (SDN/QJ):- Tobaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga, dadkan ayaa ku mudaharaadayo madaxweynaha Turkiga Rajab Dayid Urdugaan.

Mudaharaadyasha ayaa ku dhawaaqaya in dadka shaqada laga eryeyo sidoo kalena xabsiyada lagu gurayo iyaga oo loogu marmarsoonayo waxa ay ku jireen kuwii ku kacay afgembigii dhicisoobay ee lagula kacay dawlada uu hogaamiyo Urdugaan, waxaanay ku eedeeyeen madaxweyne Urdugaan inuu taageero aragagixisada.

 

Xisbiga Jamhuuriga oo soo abaabulay mudaharaadka ayaa sheegay inuu madaxweynuhu shacabkiisa ula dhaqmayo sidii oo ay yihiin aragagixiso. Dibad baxyadan ayaa noqonayo kuwii ugu waaweynaa ee dalkaasi gilgila ee lagaga soo horjeedo madaxweyne Urdugaan tan iyo dibad bixii dhacay afar sanno ka hor.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Jamhuuriga ayaa la hadlay dadka dibad baxayey, waxaanu u sheegay in dibad baxani aanu ahayn kii ugu horreeyey, balse uu yahay tallaabadii koowaad.

 

In ka badan kunton kun oo qof ayaa la xidhay boqol iyo afartan kun oo qofna shaqooyinkii ayaa laga caydhiyey tan iyo markii lagu soo rogay xaalada deg-dega ah.

Xidh-xidhitaanka suxufiyiinta iyo kooxaha xuquuqul insaanka ee ay ku kacdo dawlada Turkigu ayaa loogu soo jeediyey cambaarayn caalami ah .

Comments are closed