Aqalka Cad ee Maraykanka laga Maamulo oo Qalday Magaca Dalalka uu ka Taliyo Madaxweynaha Shiinuhu
Washington 11. July 2017 (SDN/QJ):- Qoraal rasmi ah ka soo baxay Aqalka Cad ee waddanka Maraykanka laga hoggaamiyo ama looga taliyo, ayaa lagu arkay Qalad weyn, ka dib markii la isku qalday Magacyada dalalka Shiinaha iyo Taiwan oo iyaga dhexdooda khilaaf ka dhexeeyo, balse Madaxweynaha Shiinaha lagu sheegay Madaxweynaha Taiwan.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo kula kulmay dhiggiisa Shiinaha Shir-madaxeedkii G20 oo toddobaadkan lagu qabtay dalka Jarmalka, waxa uu Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ku sheegay Aqalka Cadi inuu yahay Madaxweynaha ‘Jamhuuriyadda Shiinaha’.
Magacaas, ayaa ah ka sida rasmiga ah loogu yaqaanno Taiwan, halka Shiinahana loo yaqaano ‘Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.’ Hase-yeeshee, Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa hadda ka hor, Shinzo Abe oo ah Raysal-wasaaraha Jabbaan, waxa Qoraal sidan oo kale uga soo baxay Aqalka Cad loogu sheegay Madaxweynaha Japan. Hase-ahaatee, Aqalka Cad, ayaa markii dambe saxay qaladkaas Qoraal ee ka dhacay.
Dad badan oo ka tirsan Dadka wax ku qora Baraha Bulshada ee Internet-ka, ayaa khaladaadkaas ku tilmaamay kuwo weji-gabax ku ah Masuuliyiinta iyo Maamulka Aqalka Cad ee Maraykanka laga hoggaamiyo.
Shiinaha iyo Taiwan, waxaa ka dhex taagan muran weyn, waxaanay Xukuumadda Beijing u aragtaa Maamulka Taiwan inuu yahay gobol ka mid ah Dhulweynaha Shiinaha, halka ay Taiwan-na isu aragto Dawlad iyo Dal gaar ah oo ka madax-bannaan Shiinaha.