Xisbiga Ucid oo Dacwad ka dhan ah Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani Kuna Hanjabay inay La Soo Baxayaan Xubnaha u Metelaya Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha DAAWO
Hargaysa 09. July 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Maanta Daboolka ka Qaaday inay Komiishanka Doorashooyinka u Gudbiyeen dacwad ka dhan ah Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani oo ay ku eedeeyeen in Kaadh qaybintii Gobolka Togdheer ay barbar wadaan Olole Siyaasadeed Taas oo ka hor imanaysa Xeerka anshaxa Kaadh Qaybinta.