Dawlada Kanada oo La Filayo inay Magdhaw Lacageed Siiso Muwaadin Dalkeeda u Dhashay oo Xabsiga Argagixisada ee Maraykanka ee Guantanamo Bay Ku Xidhnaa 20 Sanno
Ottawa 09. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Canada ayaa lagu wadaa inay soo saarto raaligelin iyo magdhw la siinayo Cumar Khadar oo horey uga mid ahaa maxaabiistii ku xirnayd xabsiga Guantanamo Bay, waxaana la sheegay in loo gaystay xadgudubyo intii uu xabsiga ku jiray.
Khadar, oo u dhashay dalka Canada isla markana ah 35 jir ayaa sanaddii 2010kii ayaa lagu helay dembi ahaa in askari Maraykan ah uu ku dilay dalka Afqaanistaan.
Waxa gacanta lagu dhigay sanadkii 2002-dii xiligaasi oo uu jiray 15 sano, wuxuuna xabsiga ku qaatay muddo 20 sano ah.
Sanaddii 2010, ayaa maxkmada sare ee dalka Canada waxa ay gudoomisay in markii su’aalaha la waydiinayay Khadr uu la kulmay xaalad cadaadis ah, Waxa la sheegay in hadda Cumar Khadr la siin doono lacag dhan 8 milyan oo doolar.
Wargayska the Toronto Star oo soo xiganaya ilo wareedyo aan la shaacin ayaa sheegay in qareenada Khadr ay la kulmeen xeer ilaaliyaal ka socday waaxda cadaaladda bishii hore si heshiis loo gaaro.
Ku dhawaaqida raaligalinta rasmiga ah iyo magdhawga ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo todobaadka soo socda ,sida warbixinta lagu sheegay .
Mar wax laga waydiiyay ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa ka gaabsady oo aan wax faahfaahin ah ka bixin arrintan, Kiiskiisa ayaa noqday mid fikir ahaan ay ku kala qaybsameen dadwaynaha Canada.
Dadka difaaca ayaa ku tilmaamay in uu ahaa caruur la askareeyay halka kuwa kale ay ku doodayeen inuu ahaa dagaalyahan xagjir laga dhigay