|

Dawlada Ingiriiska oo Qorshaysay Sidii ay Dadaal Dublamaasiyadeed ugu Dhex geli lahayd Dalalka Khaliijka ee is haya

London 09. July 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Britain ayaa bilowday dadaal ay ku doonayso inay ku dhexgasho oo ku dhexdhexaadiso khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay Dalalka Khaliijka carabta.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Britain Boris Johnson ayaa Shalay galab soo gaadhay Dalka kuweyt, lugtiisii ugu horaysay socdaal uu isaga dab qaadi doono Dalalka Khaliijka maalmaha soo socda.

 

Kulan uu Mr  Johnson Magaalada Kuweyt kula yeeshay dhigiisa Dalka Kuweyt Sh Sabaax Al Axmed ayaa waxa uu ugu baaqay dalalka khilaafku ka dhexeeyo inay  dulqaad sameeyaan, iskuna dayaan in ay wadahadal ku gaadhaan xalka loo baahan yahay.

Comments are closed