|

Shirkii Waddamada G-20 oo Abuuray Sanduuq Dhqaale oo Lagu Taageerayo Haweenka Dalalka soo Koraya Ku Nool

Hamburg 09. July 2017 (SDN/QJ):- Shirkii dalalka G-20 ee ka socday magaalada Hamburg ee Wadanka jarmalka  oo uu kala qaybgalay Baanka Adduunku ayaa lagaga dhawaaqay abuuritaanka sanduuq dhaqaale oo raasamaalkiisu xiligan noqonayo 285 Milion oo lacagta Euro-da ah, kaas oo lagu taageerayo haweenka ku nool dalalka soo koraya.

Kulankaa lagu taageerayey Haweenka danyarta ah ee dalalkaasi ku nool waxaa kaloo ka qaybgashay inanta uu dhalay madaxweynaha Maraykanku ee Evana Trump oo  maamusha ururo dhanka samafalka haweenka ka shaqeeya iyadoo aabaheedna kulankaa kaga dhawaaqay in Maraykanku ay bixinayaan 50 milion oo ka mid ah  raasamaalka sanduuqaasi.

 

kulankaasi waxaa kaloo laga soo saaray baaq ku aaddan in dalalka adduunku u hogaansamaan xeerarka Hay’ada Ganacsiga adduunka, waxaana laga caddeeyey in faa’iidooyinkii Hay’adaasi aanay wada gaadhin dalalka adduunka

Kulanka waxaa la iskula qaatay in la sameeyo nadaam maaliyadeed oo adag kaasoo saamayn ku yeelanaya ammaanka dunida, waxaana laga digay in cudurada faafa ee meelo ka mid ah adduunka culayska ku hayaa ay saamayn xun ku yeelan karaan dhaqaalaha caalamiga ah.

 

Arinta sida weyn la isugu kilaafay ayaa ah wax ka qabashada cimilada adduunka ee sii kululaanaysa, iyadoo Maraykankuna ay ku adkaysteen inay ka baxeen heshiiskii Paris ee isbedelka cimilada, dalalkii kale ee shirkan ka qaybgelayayna ay caddeeyeen in heshiiskii Paris uu yahay mid aan dib looga noqonayn

Dalka boqortooyada sucuudiga ayaa loo calaamadiyey inay sanadka 2020 martigeliso shirka dalalka dhaqaalahoodu wanaagsan yahay ee G-20.

Comments are closed