|

Maraykanka & Jabbaan oo Kuuriyada Waqooyi ugu Hanjabay Tallaabo Millateri iyo Dhoolla-tus la sameeyey

Washington 09. July 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Maraykanka, ayaa sheegtay inay awood Millateri u adeegsan doonto Kuuriyada Waqooyi haddii ay sidaas ka fursanwaydo, ka dib markii uu dalka Kuuriyada Waqooyi Salaasadii Todobaadkii Hore Tijaabiyey Gantaal Casri ah oo nooca riddada dheer ah oo uu Hoggaamiyaha dalkaasi ku sheegay Hadyad Maraykanka ay u direen.

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley, ayaa sheegtay in ay Qaramada Midoobay hor gayn doonto qaraar cusub oo ka dhan ah xukuumadda Kuuriyada Waqooyi. Tijabadaas gantaalkana waxay ku tilmaantay xaaladd milatari oo cirka isku sii shareeraysa, waxaa kale oo ay ku hanjabtay in ay adeegsan doonto xayiraado ganacsi.

Saacado uun ka dib markii ay hadalkaas sheegtay, Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa gantaalo dheeri ah ku riday badda Japan arrintaas oo qayb ka ah dhoola tus milatari. Laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in aysan wax wadahadal ah gali doonin tan iyo inta Maraykanku uu ka soo afjarayo siyaasadda ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

Tijaabadii gantaalka ee Talaadadii ay samaysay Kuuriya Waqooyi ayaa ahaa midkii u dambeeyay ee kuwo badan oo ay dhawaan sameeyeen oo ay kaga dhago adaygeen xayiraadda Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Dhanka kalana Xoghayaha Gaashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis iyo dhiggiisa dalka Japan Tomomi Inada, ayaa labadooduba sheegay in tijaabadaasi ay ahayd wax ay ugu yeedheen; “Daandaansi aan la aqbali karin”.

Hase-yeeshee, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Koox Saynisyahanno iyo Farsamo-yaqaanno ah u sheegay in Mareykanku aanay ku farxi doonin wax uu ugu yeedhay; “Xirdhmo Hadiyad ah” oo ay u direen, xilli ay u Dabbaal-degayeen maalinta Xorriyaddooda, sida ay sheegtay Waklaadda Wararka ee dalkaas.

 

Kuuriyada Waqooyi, ayaa Gantaalkan oo loogu yeedhay magiciisa Hwasong-14, waxay Salaasadii ka tijaabisay Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla meel ku dhaw Xuduudda dalkaasi la wadaago waddanka Shiinaha.

 

Dalka Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegay in Gantaalkaasi uu gaadhay masaafo hawo oo dhan 2,802 KM, ka dib markii uu socday 39 daqiiqo oo keliya. Hase-yeeshee, Tijaabadaas ka dib qiimeyn ay sameeyeen, ayaa Khuburo Mareykan ah waxay sheegeen in Gantaalkaasi uu u muuqdo inuu gaadhi karo gobolka Alaska ee dalak Mareykanka.

Comments are closed