|

Raysal Wasaaraha Waddanka Jarmalka oo Walaac ka Muujisay Sidii Mawqif Midaysan ay u gaadhi lahaayeen dalalka G 20

Berlin 09. July 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisal wasaaraha Jarmalka Miss: Angela Markel ayaa maanta ku dhawaaqday in shirka madaxda dawladaha G.labaatan uga socda magaalada Hamburg yahay mid aad u adag in arrimaha qaar laga gaadho mowqif midaysan, sida ganacsiga iyo cimilada Aduunka ee isbedelaysa, inkastoo la dagaalanka argagixisada laga midaysan yahay.
Hase ahaatee, shirka dawladaha G.labaatan uga socda magaalada Hamburg waxa hadheeyey dibad baxyo balaadhan oo ay ka soo qayb galeen boqolaal kun oo qof, kuwaas oo ka soo horjeeda kulanka G.20 iyagoo ku tilmaamay mid waqti lumis ah, taas oo isku dhac dhex maray ciidamada Amaanka ee magaaladaasi iyo dadka dibad baxaya kuna dhaawacmeen  ilaa laba boqol oo Askari, halka ilaa lixdan qofna xabsiyada loo taxaabay.

 

Geesta kale, kulan gaar ah oo markii u horaysay ku dhex maray labada madaxweyne ee Ruushka iyo Maraykanka oo qaatay laba saacadood ayey ku heshiiyeen wixii ka dambeeya imika in ay si mowqif midasan ah uga qayb galaan xalinta dhibaatooyinka caalamka ka taagan gaar ahaan dagaalka ka socda dalka Suuriya.

Comments are closed