Madaxweyneyaasha Ruushka Iyo Maraykanka Oo Markii U Horreysay Kulmay & Weydiimaha Weli taagan
Hamburg 09. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horreysay fool ka fool u kulmay.
Labada hoggaamiye waxay ku kulmeen shir madaxeedka G20 oo ka furmay magaalada dalka Jarmalka ku taalla ee Hamburg.
Waxaa lagu wadaa inay ka wada hadlaaan sidii ay boodhka uga jafi lahaayeen xidhiidhka labadooda dal oo sii xumaaday markii Moscow lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashada Mareykanka.
Wali ma cadda in warbaahinta loo oggolaan doono inay ka qeybgasha shirkaasi iyo in ay shir jaraa’id qaban doonaan labada hogaamiye.
Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu farageliyay doorashadii Mareykanka si uu ugu soo baxo musharaxa uu door-bidayo iyo inuu shakhsigaasi saameyn ku yeesho.
Madaxweyne Trump ayaa suuragalnimada arrintaa qiray markii uu u soo socday magaalada Hamburg ee uu shirka ka dhacayo, sidoo kalana waxa uu Ruushka ku eedeeyay inuu si badheedh ah xasilooni darro uga abuurayo Ukraine, eedaymahaasi oo dhammaantood uu diiday aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo Ruushka.
Labadan masuul ayaa rajaynaya inay meel dhexe isugu yimaaddaan, balse loolanka shakhsiyadeed ee u dhaxeeya ayaa ka tarjumaya kala qeybsanaanta ba’an ee ka dhex jirta hoggaanka dalalka ugu dhaqaalaha buuran caalamka.
Hogaamiyayaasha G20 ayaa arrinsan doona Arrimaha muhiim ah sida isbeddelka cimilada.
Madaxweyne Trump ayaa kali ku noqon doona diidmada heshiiskii caalamiga ahaa ee Paris ee lagu dhimayay heer kulka sii kordhaya ee caalamka, hasayeeshee hoggaamiyaha Jarmalka ee martida loo yahay ayey tahay inay ku dadaasho ilaalinta mowqifka inta badan wadammadii heshiiskaasi ansixiyay.
Arrimaha kale ee sida weyn looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah muranka dhanka ganacsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa Waqooyiga Kuuriya.