|

Wefti Ka Socday Xisbiga WADDANI oo Galabta Gaadhay Degmada Qori-lugud iyo Taageerayaal Cusub oo Ku Soo Biiray Xisbigaasi DAAWO

Burco 08. July 2017  (SDN/QJ):- Wefti ballaadhan oo ka socday Xisbiga WADDANI, ayaa maanta si weyn looggu soo dhaweeyey degmada Qori-lugud iyo weli ba deegaanada hoos yimaada ee gobalka Buuhoodle.

Weftigan oo uu hoggaaminaayey xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo sida oo kale na ay ku wehelinaayeen siyaasiy Siciid Sulub Maxamed, xoghayaha amniga ee xisbigaasi iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin iyo saraakiil kale oo ka soo jeeda deegaankaasi oo ka tirsan Xisbiga WADDANI.

Weftigan, ayaa intii uu halkaas ku sugnaa, waxa uu si weyn u soo dhaweeyey madaxdii Xisbiga KULMIYE ee magaaladdaasi oo iska soo casilay xisbigaasi isla mar ahaantaan ku soo biiray Xisbiga WADDANi, iyaga oo si weyn eedo ugu jeediyey Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in uu hagraday shacabka ku dhaqan deegaanadaasi halka sida oo kale na ay si weyn Xisbiga WADDANI ugu amaaneen in uu dadka deegaankaasi uu si weyn wax u soo taray wakhtiyadii adkaa ee lagu jiray abaaraha iyo weli ba sida oo kale xanuunada shuban biyoodka oo uu labadaas jeer ba u gurmaday.

 

Comments are closed