|

‘’Somaliland Waxay Lahaanaysaa Idaacad Qudha,Markii aan Horyaal Furayay Waxa Maanta ii Muuqdaa Maan arkayn,Laakiin Khalad aan Galay Ma Jiro,Daahir Rayaalena Wuu Ku Saxsanaa..Anigu Waxaan ahay Nin Wanaagsan’’ Wasiir Caddaani & Jawaabo is Tabcaynaya DAAWO

Hargaysa 07. July 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Kulmiye Waxa uu dharaarihiisii Mucaaridnimo Cod dheer ku Sheegi Jiray in aanay anfacayn dalka iyo dadkaba Hal Idaacad oo Radio Hargaysa ah oo Dawladu maamusho isagoo Balanqaaday Markii la galayay Doorashadii ay ku hanteen Hogaaminta dalka inay Meel marin doonaan Furashada Idaacado gaar loo leeyahay.

Hasa yeeshee Maanta Maalintaas ma aha Waxa uu Kulmiye iyo Xukuumadiisu Sas ka qabaan Idaacado gaar loo leeyahay oo dalka laga furo iyagoo aaminsan inay Wiiqayso Nabadgalyada dalka.

Hadaba Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa Hore u ahaa Maamulihii Idaacadii Horyaal ee Xisbiga Kulmiye ku galay Ololihii Doorashada Madaxtooyada isagoo Xiligaas Ku sugnaa waddanka Maraykanka.

Waxaa la is weydiin karaa Muxuu Caddaani Wakhtigaas ka aaminsanaa in la furto Idaacad iyadoon loo haysan Wax Sharci ah,Haatan oo isagu yahay Wasiirka Warfaafintu Maxay tahay aragtidiisu?.

Su’aalahan iyo Kuwo kale oo Xiiso badan ayuu kaga Jawaabay Barnaamijka Hal adayg ee ka baxa Telefishanka HCTV.

Comments are closed