|

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Mas’uuliyiinta Beesha Dhulbahante Ee Xukuumadda Somaliland Ku Jira Iyo Qaybta Khaatumo DAAWO

Hargaysa 07. July 2017 (SDN/QJ):- In Mudo ah ayaa Waxa Wada hadal u Socday Xukuumadda Somaliland Iyo Khaatumo Kaas oo Muujiyey isu soo dhawaansho labada dhinac ah, Waxaa Magaaladda Hargaysa yimid Wefti ka socda Khaatumo oo uu hor kacayo Hogaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh Waxayna Kala Saxeexdeen Heshiis Sheegayay in 10 Bishan Shirweyne lagu qabto Magaaladda Burco hasa yeeshee Xubno ka Mid ah Guddida Somaliland u Metelaysa Wada hadalka ayaa Salaasadii Shaaciyey In dib loo dhigay wada hadalkii Burco,Taasi waxay ka Cadhaysiisay Hogaanka Khaatumo.

Hadaba arrinta ugu weyn ee Is maandhaafka Keenaysa ayaa ku qotonta Siyaasiyiinta ka soo Jeeda Beesha Dhulbahante ee Ku kala Jira Somaliland Iyo Khaatumo oo aan isku fikir ahayn.

 

Comments are closed