Hargaysa: Beri oo Sabti ah oo Gobolada Maroodi Jeex Iyo Togdheer ay Ka Bilaabmi doonto Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha & Weedhihii Laga Jeediyey Munaasibad Lagu Daahfuray DAAWO
Hargaysa 07. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxwayneku-xigeenka ahna kusimaha Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay furitaanka kaadh qaadashada codbixiyayaasha ee gobolka Maroodi-jeex.
Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo uu hadalo kooban ka jeediyay guddomiyaha komishanka doorashooyinka qaranku waxaa uu sheegay in maalinta sabtida ah ay gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer ay ka bilaabmi doonto qaadashada kaadhka codbixinta doorashada dhacaysa bisha Novembar ee sanadkan.
Saraakiisha ugu saraysa seddexda xisbi qaran oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday inay ilaalin doonaan anshaxa iyo habsami u socodka qaadashada kaadhka codbixinta.
Madaxwayne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibada soo gabo-gabeeyay ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland muhiimada koowaad siisay sidii dalkani ay uga dhici lahad doorasho xor-iyo xalaal ah islamarkaana ay fulisay dhamaan arrimhii kaga adanaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo ay ugu Weyn tahay bixinta Kharashka ku baxaya diiwaangelinta,Kaadh Qaybinta Iyo doorashada.