|

Somaliland Oo Isku Waajibisay Taageerada Puntand, Haddii Ay Al-shabaab Ka Awood Badato DAAWO

Hargaysa 07. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay Dagaallada u dhexeeya Ciidammada Puntland iyo kuwa Al-shabaab.

                         Photo File: Ciidanka Qaranka Somaliland

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo Telefiishanka Bulsho waydiiyey haddii Al-shabaab ay ka awood badato Puntland in Dawladda Somaliland taageero siin karto iyo in kale, ayaa ku jawaabay “Markaanu hubinno ee aanu arkayno in Cidda dagaalameysaa ay Al-shabaab tahay, Annagu dad kale oo Soomaaliyeed in aanu iska layno diyaar uma nihine, haddaanu hubino oo aanu xaqiijino inay Al-shabaab yihiin, Waajib bay nagu tahay (inaanu Puntland taageero siinno)..”ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland.

Ciidammada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa Bilihii u dambeeyay dhowr jeer ku dagaalamay deegaanno ka mid ah Buuralayda Galgala oo ku yaalla Xuduudka Somaliland iyo Puntland u dhexeeya, waxaana Dagaalladaa ka sakow jira Weerarro Gaadmo ah oo Al-shabaab ku qaaddo Fadhiisimada Ciidammada Puntland ku leeyihiin Deegaannada ku dhow-dhow Galgala, kuwaasi oo ay khasaare ugu geysato Ciidammada Puntland.

Weerarkii u dambeeyay ee Al-shabaab xilli habeennimo ku qaadday fadhiisin Ciidammada Puntland ku leeyihiin duleedka Magaalada Boosaaso, ayaa waxa ka dhashay khasaare laxaad leh.

Weerarka ayaa Al-shabaab sheegatay inay ku dishay illaa 64 Askari, kuna qabsatay Hub iyo Gaadiid Dagaal, wallow Maamulka Puntland hoos u dhigay khasaaraha weerarkaa ka soo gaadhay Ciidammadooda.

Comments are closed