Amar Cusub Oo Ka Soo Baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya & Wuxuu ku Saabsan yahay AKHRI
Muqdisho 07. July 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartay cusub oo ku wajahan shirkadaha ganacsiga ee heysta ilaalada gaarka ah.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga gtudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa ayaa muddo Soddon cisho ah loogu qabtay inay ku soo diiwaan giliyaan shirkadaha ganacsiga ilaaladooda gaarka ah iyo hubka ay heystaan.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in cidii mudadaas ku soo diiwaan gelin weysa hubka ay heysato laga qaadi doono talaabo adag oo sharciga waafaqsan.
Dhowaan ayey aheyd markii wasaaradda Amniga soo saartay amar lagu farayo Mas’uuliyiinta dowladda, sida Wasiirada iyo Xildhibaanada inay muddo 15 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda iyo hubka ay wataan.