Wasiir Ku Xigeenka Cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland oo Sheegay inuu Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Dacwad Ka Gudbin Doono & Waxa ay Isku Maandhaafeen DAAWO
Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Haatana loo Bedelay Wasiir ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka Mudane Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse) ayaa Daboolka ka qaaday inuu Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan Saylici uu ku sameeyay Gef shakhsi Waxaanu xusay inuu Dacwad arrintiisa la xidhiidha u gudbin doono Madaxweyne Siilaanyo Marka uu dalka ku Soo Laabto.
Si kastaba ha ahaatee Dhacdadan ayaa noqonaysa Tii Kowaad ee ay Isku Maandhaafaan Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyadoo loo arki karo mid nusqaan ku ah Haybada dawladnimo Maadaama ay Haboonayd in Wasiir ku Xigeenkani uu Tabashadiisa la Sugo Imaatinka Madaxweynihii Magacaabay Inta uu Warbaahinta u Marinayo Cabashadiisa.