“Maanta Laga Bilaabo Waxaan Halkiisa Ku Laabi Doonaa Fikirkii Laygu Yaqaannay Muddada 25-Ka Sanno Ah, Waxaanan U Labisan Doonaa….” Suldaanka Guud ee Beelaha Gabooye
Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Suldaanka guud ee beesha Muuse-dheriyo oo katirsan beellaha Gabooye Suldaan Naasir Suldaan Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in uu wax ka bedeli doono nidaamkii iyo hoggaamintii dhaqan ee uu beeshiisa ugu raadinayay xuquuqaha siyaasiga ah ee kaga maqan saaxadda siyaasadda Somaliland.
Suldaan Naasir waxa uu sheegay in isaga iyo beeshiisa uu hoggaaminta dhaqan u hayaa ay quus ka istaageen rejo ay ka qabeen in xuquuqaha kaga maqan dastuurka ay ku heli karaan aamusnaan, taas bedelkeedana uu xilligan oo isbed-dallo siyaasi ahi socdaan ay guntiga dhiisha isaga xidhi doonaan sidii ay cadkooda uga goosan lahaayeen saami qaybsiga siyaasadda.
Suldaanku waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in arrin ay muddo rubuc qarni ka badan u samrayeen ka midho dhalinteedu ay maanta suurtowday taasi oo uu sheegay in hore looga dhagaysan waayay hirgelinteeda balse hadda uu waqtigu keenay. “Waxaan caawa [xalay] jecleystay inaan rayigayga ka dhiibto sida aan u arko furitaanka dastuurka Somaliland. waxa xaqiiqa in aanu muda dheer geed dheer iyo geed gaabanba u kornay sidii lo furi lahaa dastuurka Somaliland, balse nasiib daro arrintaasi may noqon mid aanu garowshiiyo kaga helnay dhammaan danneeyayaasha Siyaasadda Somaliland”.
Sidaa waxaa yidhi Suldaanka guud ee beellaha Muuse-dheriyo Suldaan Naasir Suldaan Cabdi oo habeenkii xalay ahaa war murtiyeed uu ka soo saaray magaallada Hargeysa kaga hadlay aragtida uu ka aaminsan yahay qaddiyada in dib loo furo, wax ka bedel iyo kaabisna lagu sameeyo dastuurka JSL, kaasi oo qayb ka ahaa qaraarkii ay dawladda Somaliland kula heshiisay hoggaamiyaha Khaatumo iyo kooxda uu hoggaamiyo Prof. Cali Khaliif Galaydh.
Suldaan Naasir oo war murtiyeedkiisa nuqul kamid ah soo gaadhsiiyey xarunta Qurbejoog ee hargaysa waxaa uu intaa ku daray “Arrintani (dastuurka] waxay na dhaxalsiisay aniga iyo haldoorka umaddayaba in aanu noqonno quus, waayo annaga oo ku abtirsanayna beellahayaga Muuse-dheriyo ama Muuse Direedba waxa aanu nahay beel kamid ah beellaha Somaliland degan ee ab iyo isirba ku abtirsada. Si kale haddii aan u idhaahdo beellahayagu waxa ay ood wadaag iyo wax wada lahaansho leeyihiin oo ay ku dhaqan yihiin guud ahaanba deegaammada amaba gobollada ay degen yihiin beellihii ku abtirsannayay ururkii dalkan xorreeyey ee SNM. Dabcan waxaanu kamid ahayn beellihii aan ahayn SNM, goob joogna kamaanu ahayn oo waanu ka maqnayn madashii lagaga dhawaaqay Somaliland gooni isu taaggeeda, nasiib wanaagse waxaanu ayidnay oo aanu si buuxda beellihii Somaliland ula qaadanay masiirkii la go’aansaday ee dib ula soo noqoshada xorriyaddii Somaliland”. Ayuu yidhi Suldaan Naasir.
Waxaanu intaa ku daray “Haddaba Maalintaasi lala soo noqday gooni isu taagga iyo wixii ka dembeeyey maanu helin xuquuqihii aanu qarankayaga ku lahayn waxaanuse ka dhursugaynay in maalin uun aanu arki doono annaga oo dalkayaga iyo dadkayaga ka helnay xuquuqihii aasaasiga ahaa ee beellahayaga waxaanay nagu qaadatay muddo dheer oo xaqiiqdii maalinba maalinta ka dembeysa na dhaxalsiinaysay quus, maantana iima muuqato meel aanu ka geli doono isbed-dalladan siyaasaddeed iyo in hawlahan socda meel nalooga astayn doono iyo inkale. Haddaba horaa loo yidhi hadal badani haan ma buuxshee, haddii ay arrimuhu caynkaas ku socdaan waxaa iiga meel yaalla aniga iyo inta damiirka lehba iinaanu qaadano dariiqo cad oo ka duwan fikirkii laygu yaqaannay shan iyo labaatanka sanno ee ahaa inaan u istaago hoggaamin siyaasaddeed, maadaama oo hoggaamintii dhaqan iyo degennaanshihii siyaasaddeed ee aan rejada ka qabay aan halkaas ku laabo oo aan sidii beellaha kale ee reer Somaliland xaqooda u dhacsadeen aan aniguna u labisan doono dabadeedna muujin doono jiritaankaa ummadayda io iftiiminta waddadii ay ku heli lahayd xuquuqda kamaqan”. Ayuu yidhi Suldaanka guud ee beellaha Muuse dheriyo oo kamid ah beellaha Gabooye Suldaan Naasir Suldaan Cabdi.