Murashax Cirro oo Cod Dheer Ku Sheegay in Aan Xoog iyo Dig-dig toona Lagu Fuuleyn Talada Dalka
Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa sheegay in cidina xoog iyo digdig aanay ku fuulayn talada dalka balse cidii Illaahay u qoray ay imanayso, isla markaana shacabka Somaliland ay xaq u leeyihiin inay kala doortaan saddexda xisbi ee tartamaya oo kii ay ku qancaan u codeeyaan, taageeraana.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ah Musharaxa xisbiga Waddani uga qaybgalaya doorashada Madaxtooyada oo bisha November ee sanadkan dalka ka dhici doonta ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu dhawaan la yeeshay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Jidah ee dalka Sucuudiga, waxaanu gudoomiyuhu tilmaamay in Somaliland ay galayso wakhti doorasho oo uu rajaynayo in nabadgalyo iyo dimuqraadiyad ay ku qabsoonto.
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo arinkaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Somaliland waxa ay galaysaa xili doorasho, doorashadana waxa ka horeeya hawlo ay ka mid yihiin, qaadashadii kaadhadhka oo laba gobolna ay inoo dhamaadeen labadii ugu waaweynaana ay hada inoo bilaabmayaan bisha sideedeeda hadii illaahay yidhaa. Waxaad noogu soo ducaysaan in dalka iyo dadkaba hawlahaa balaadhan ee ina horyaala inagu asturo.
Sidaa la sheegay waa la tartamayaa asxaab qaran ayaynu samaysanay, waxaynu asxaabta u samaysanay inaynu kaga baxno mushkilada qabyaalada, wali kamaynaan bixin, insha alaahu waxaynu rajaynaynaa in asxaabtu inoo korto, cidii illaahay u qoray ayaa imanaysa talada dalka, cidina xoog iyo digdig ku fuuli mayso, laakiin illaahay cidii uu u qoray ayaa Imanaysa. Waananu rajaynaynaa in si nabadgalyo ah oo dimuqraadi ah ay inoogu dhacdo doorashadu, Shacbiguna xaqbay u leeyihiin inay kala doortaan saddexda xisbi oo kii ay iyagu ku qancaan ay u codeeyaan, raacaan, taageeraan.
Laba xisbi waa mucaarid midna xukuumada ayuu hada hayaayoo waa muxaafid, sidaan hore u sheegay anagu (Waddani) barnaamijka xisbiga 2014-kii ayaanu soo bandhignay, asxaabta kalena wali way xam-xamaaranayaan baa la yidhi oo way soo wadaan, markaa kolay shacbiga ayaa kala doori doona.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.