|

Xulafada Khaliijka oo Heshay Jawaabtii Qatar iyo Sirdoonka afarta Wadan oo Kulmay

Dubai 06. July 2017 (SDN/QJ):- Dalalka Xulafada Khaliijka ayaa sheegay inay Arbacadii Shalay ahayd in ay heleen jawaab celintii Dawlada Qatar ee waxyaabihii ay ka dalbadeen si loo dhameeyo dhibaatada diblumaasiyadeed ee Gobolkaa ka taagan, isla markaana ay ka jawaabayaan wakhtiga ku habboon.

Waxana hadalkoodu ku soo beegmay iyadoo Wasiirada Arimaha Dibada ee Dalalka Xulafada Khaliijku ay Shalay galab Kulan ku yeesheen Magaalada Qaahira.

Wadamadan Sucuudiga, Baxrayn iyo Imaaraatka oo ay Masar weheliso ma caddayn talaabooyinka ay uga gudbi doonaan jawaabta ay Qatar soo siisay.

Wakaalada wararka ee Bariga dhexe oo xarunteedu tahay magaalada qaahira waxa ay sheegtay in Madaxda Hay’adaha Sirdoonka ee afrtaa wadan ay shalay ku kulmeen Magaalada Qaahira isla markaana ka wada hadleen arimo loo badinayo inay ku saabsanaayeen mushkilada ka taagan Gobolka khaliijka carabta.

Dawlada Qatar ayaa ku tilmaantay dalabaadka dalalka xulafada inay yihiin kuwo xadgudub ku ah madaxbanaanideeda, waxana Qatar heshiis dhanka ammaanka ah ay kula jirtaa Dalka turkiga.

Comments are closed