“Dad badani kolay maanta way naxayaan, waxaan ahaa ololeyahan aad uga dhex muuqda xisbiga KULMIYE. Sacabkaygana waxaa laga maqli jiray xaafadaha WADDANI’’ Khadar Jiilaal DAAWO
Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Khadar Xuseen Jaamac oo ku magac-dheer (Khadar Jiilaal), waxaa uu ka mid yahay dhallinyarada caanka ah ee magaalada Hargeysa, waxaanu caan ku noqday bahda ciyaaraha oo uu muddo dheer ka soo shaqeynayay.
Khadar Jiilaal waxa uu ka mid ahaa xisbiyahannada ka qaybqaata ololeyaasha xisbiyada dalka ka jira tan iyo markii Somaliland qaadatay nidaamka axsaabta badan.
Haddii aan si kale u dhigo waa “daynabada” dhallinyarada degmada Axmed Dhagax, waxaan caawa ka daawaday baraha bulshada, isagoo ka digo rogtay xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu ka mid ahaa kaadiriintiisa caasimada Hargeysa. Waxa uu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Waxaa uu hadal kooban ka jeediyay xaflad uu kaga biiray xisbigan mucaaridka ah ee WADDANI, waxaannu yidhi, “Dad badani kolay maanta way naxayaan, waxaan ahaa ololeyahan aad uga dhex muuqda xisbiga KULMIYE. Sacabkaygana waxaa laga maqli jiray xaafadaha WADDANI, markii aan arkay inay bahashu sii ciirayso ayaan idhi yaanay sidii UDUB kugu dumine ee u carar xagaas mustaqbalka leh (WADDANI). Waxaan gartay inaad taageeradaydii iyo kaambaynkaygiiba ku biiriyo xisbiga WADDANI.