|

Wasiir Caddaani oo Sheegay inay Xidhayaan Telefishano Somaliland ka Hawlgala Kuna Margaday Sababta ay Ku Diidan Yihiin in Dalka la Keeno Idaacado Gaar loo Leeyahay DAAWO

Hargaysa 05. July 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Kulmiye Waxa uu dharaarihiisii Mucaaridnimo Cod dheer ku Sheegi Jiray in aanay anfacayn dalka iyo dadkaba Hal Idaacad oo Radio Hargaysa ah oo Dawladu maamusho isagoo Balanqaaday Markii la galayay Doorashadii ay ku hanteen Hogaaminta dalka inay Meel marin doonaan Furashada Idaacado gaar loo leeyahay.

Hasa yeeshee Maanta Maalintaas ma aha Waxa uu Kulmiye iyo Xukuumadiisu Sas ka qabaan Idaacado gaar loo leeyahay oo dalka laga furo iyagoo aaminsan inay Wiiqayso Nabadgalyada dalka.

Hadaba Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa Qodobo badan oo arrimahan la Xidhiidha waxa uu siiyay Barnaamijka Hal adayg ee Ka Baxa Telefishanka HCTV.

Comments are closed